War Cusub Madaxwaynaha Somaliya Hassan Sheikh iyo Raysal Wasaare Hamse Bare Ayaa kulamo la Qatahay

WAR CUSUB: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh iyo Raysal wasaare, Xamse Barre ayaa kulamo la qaatay; Mas’uuliyiinya iyo siyaasiyiinta gobollada Sool, Cayn, Sanaag & Highland; iyaga oo kala hadlay dhismaha maamul ay Dowladda Federaalka doonayso in ay ku midayso deegaannadaasi.
Madaxda DFS ayaa u sheegey mas’uuliyiinta ay la kulmeen; in ay ka go’an tahay dhismaha maamulkaas oo uu qayb ka noqonayo geeddi-socodka dastuurka & doorashooyinka; iyada oo labada dhinac isla meel dhigeen qabashada shirar Aaya-ka-tashi oo dhammaystira qorshaha, kana qabsooma gobolladaasi – SSCH.
Qorshaha DFS ee maamul samaynta gobolladan ka kala tirsan Puntland iyo SSCKhaatumo ayaa imanaya, xilli Villa Somalia wajahayso khilaaf siyaasadeed oo ka imanaya mucaaridka iyo dowlad-goboleedyada qaar; kaasi oo salka ku haya dastuurka iyo doorashooyinka qof & cod ee ay DFS dooneyso in ka hirgeliso deegaan kasta.
Inkasta oo DFS ay meelmarisay SSCKhaatumo, haddana mas’uuliyiinta maamulkaas iyo siyaasiyiinta gobollada Sanaag & Highland ee DFS ayaa saldhig u ah hindisahan oo aan weli dhex imaan bulshada deegaanka.
Dhinaca kale, DFS waxa ay ku howlan tahay in ay maamul cusub u samayso Jubbaland, maadaama aysan aqoonsanayn Madaxweyne Madoobe.