In ka badan Hal milyan iyo badh Muslimiin ah ayaa taagan Banka Carrafo

In ka badan Hal milyan iyo badh Muslimiin ah ayaa taagan Banka Carrafo iyo Buurta Naxariista, iyaga oo welina ku soo qulqulaya; halkaasi oo ay ku Alle baryayaan kuna gudanayaan tiirka ugu weyn Xajka ilaa Qorrax-dhaca maanta.
Boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa adkaysay ammaanka dhulka barakaysan; iyada oo ku waardiyeynaysa madaafiicda ridada-dheer iyo diyaarado kala duwan.
Carrafo waa halka u kulul Makka [45′] balse diyaarado qummaatiga u kaca ayaa gargaara Xujeyda.