WAR DEGDEG AH: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Asad Diyaano, ayaa wareegto rasmi ah ku magacaabay Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Cali (Shalaqbeen

WAR DEGDEG AH: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Asad Diyaano, ayaa wareegto rasmi ah ku magacaabay Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Cali (Shalaqbeen) inuu noqdo Taliye Ku-xigeenka cusub ee Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Magacaabistan ayaa timid iyadoo ay jiraan isbedello badan oo lagu sameynayo hoggaanka sare ee laamaha amniga, gaar ahaan kuwa ku sugan meelaha istaraatiijiga ah sida dekedaha iyo garoomada.Waa kuma Maxamed Aadan Cali (Shalaqbeen)?Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Cali, oo si weyn loogu yaqaan magaca “Shalaqbeen”, waa sarkaal sare oo kasoo jeeda deegaanada Puntland. Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, wuxuuna leeyahay khibrad iyo aqoon ciidan oo sareysa. Intii uu xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamada, wuxuu si gaar ah caan uga noqday dagaalladii lagula jiray kooxaha argagixisada ee ku sugnaa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo uu hoggaamin jiray howlgaladii guuleystay ee lagu xoreeyay deegaano badan.Shalaqbeen waa aqoonyahan ciidan ah; wuxuu shahaadada Master-ka ka qaatay dalka Rwanda, halkaas oo uu ku bartay cilmiga hoggaaminta, qorsheynta ciidamada, iyo howlgalada guuleysta ee laga hirgeliyo goobaha dagaalka. Waxaa xusid mudan in uu leeyahay laba shahaado oo heer sare ah oo uu ka qaatay machadyo kala duwan oo dalkaas ku yaalla, taas oo sii xoojisay fahamkiisa istaraatiijiyadda amniga iyo dhismaha ciidamada casriga ah.Saameynta Siyaasadeed ee MagacaabistaMagacaabista Shalaqbeen waxay dhalisay hadal hayn siyaasadeed, gaar ahaan gudaha maamulka Puntland. Madaxweynaha maamulkaas, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay inuu aad uga carooday tallaabadan uu qaaday Taliye Asad Diyaano. Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, Shalaqbeen wuxuu kamid ahaa saraakiisha aadka ugu dhawaa Madaxweyne Deni xilligii uu xilka hayey, waxaana lagu tilmaamaa inuu ahaa la-taliye aan rasmi ahayn oo dhinaca amniga ah.Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in saraakiil kale oo kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo si dhow ula soo shaqeeyay Deni, ay iyaguna heleen xilal muhiim ah oo dhanka booliiska ah, taas oo sii hurisay caro iyo dareen liddi ku ah hoggaanka hadda jira ee Puntland. Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Puntland waxay sheegeen in Madaxweyne Deni uu dareemay in la hurinayo koox siyaasadeed oo isaga ka madax bannaan, taasoo saameyn ku yeelan karta loollanka awoodda ee gudaha maamulkaas.Xogaha Hoose iyo FalanqeynShalaqbeen waxa uu yahay sarkaal lagu kalsoonaan karo oo leh karti, hufnaan, iyo waayo-aragnimo ciidan. Dad badan oo ka faalooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in magacaabistiisu ay horseedi karto xasillooni dheeraad ah iyo hagaajin lagu sameeyo habka amniga dekedda Muqdisho, oo ah il dhaqaale oo muhiim u ah dalka.Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa sidoo kale laga akhriyay farriin siyaasadeed oo Taliye Asad Diyaano u dirayo madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland, taas oo muujinaysa in dowladda dhexe ay dooneyso inay awood siyaasadeed iyo mid ciidanba ku yeelato goobaha muhiimka ah ee dalka oo dhan.Inkastoo uusan weli si rasmi ah uga hadlin, warar hoose ayaa sheegaya in Siciid Deni uu si weyn uga cadhooday arrintan, iyadoo la sheegay in dhiigkar uu ku kacay markii uu maqlay magacaabista Shalaqbeen iyo saraakiil kale oo uu Deni hore u tabcay.
Ahmedsharad✍🏻