Wasiirka istitaajiyada Israel Ron demer iyo madaxa hay adda sirdonka Israel ee mussad David Barnea

Wasiirka istaraatijiyada Israa’iil, Ron Dermer iyo madaxa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea ayaa berri kula kulmi doona magaalada Roma ee xarunta Talyaaniga , ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan bariga dhexe , Steve Witkoff , iyagoo ku wargelinaya fursada ay Israa’iil ku weerarri karto xarumaha nukliyeerka Iran inay tahay mid xirmi karta oo ay u baahanyihiin in Mareykanka ku raaco qorshaha ay doonayaan hab milatari in meesha looga saaro nukliyeerka Iran, sida ay ku warrantay shabakadda Axiso , oo warbixinta ay baahisay lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Israa’iiliyiinta uu ku beeray saraakiisha maamulka Trump , walaaca ay ka qabaan in Israa’iil ay weerarto Iran , iyagoo aan wax wargelin ah siin Mareykanka.
Fiiro gaar ah;
Roma , oo ay doonayaan saraakiisha Israa’iil inay Mareykanka kula wadaagaan qorshaha sirdoon oo howlgal guuleysta ay ka geysan karaan xarumaha nukliyeerka Iran , halkaa sidoo kale waxaa ku sugan wasiirka arrimaha dibadda Iran iyo xubno kale oo wadahadal la xiriira nukliyeerka la yeelanaya Mareykanka.